Xarumaha Ganacsiga Degmada Afgooye Oo Saakay Dib Loo Furay

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, saakay oo Axad ah ayaa waxay sheegayaan in dib loo furay dhammaan xarumaha ganacsiga ee degmadaasi, kuwaasi oo maalintii shalay ahaa xirnaa.

Degmada Afgooye waxaa maalintii shalay ahayd ka dhacay dibadbax ballaaran oo ay dhigeen shacab ka carreysan dilkii rayidka loogu geystay deegaanka Bariire.

Dibadbaxaasi ayaa sababay in ay xirmaan dhammaan xarumihii ganacsiga iney xirmaan, iyadoo shalay oo dhan aanu degmada ka jirin wax ganacsi ah.

Saakay, shacabka degmada Afgooye ayaa si caadi ah u dukaameysanaya, xaaladuna waa mid deggan, sida ay soo sheegayan dad weynaha ku sugan degmadaasi.

Intii ay xirnaayeen xarumaha ganacsiga ee degmada Afgooye waxay saameysay dhammaan shacabka ku dhaqan degmadaasi ee sia maalin laha ah u dukaameysan jiray.