Xasan Cali Kheyre Oo Warqad Qoraal Ah U Diray Ra’iisul Wasaare Rooble

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Warqad u diray Ra’iisul Wasaaraha Cusub Maxamed Xuseen Rooble oo Codka kalsoonida ah ay siiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Qoraalka uu Kheyre u diray Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa marka hore loogu hambalyeeyay Codkii kalsoonida ahaa ay siiyeen Golaha Shacabka 23-ka bishaan September, isagoo Alle uga baryay inuu u fududeeyo mas’uuliyada qaran ee loo idmaday.

Intaas kadib Xasan Cali Kheyre ayaa Ra’iisul Wasaaraha Cusub ku wargeliyay inuu diyaar u yahay inuu xilka ku wareejiyo, uuna doonayo inuu la wadaago warbixin guud oo ku aadan halka ay marayaan dhaqan gelinta howlaha waaweyn ee qeybta ka ah dib u dhiska dalka.

Kheyre ayaa Warqada uu diray ku xusay inuu doonayo in laga fogaado wax kasta oo dib u dhac u keeni kara dadaaladii loogu jiray horumarinta dalka Soomaaliya mudadii xilka uu haayay.

Ugu Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Kheyre ayaa shaaciyay inuu diyaar u yahay in Isbuucaan gudihiisa uu xilka ku wareejiyo Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ayaa laga sugayaa inuu soo magacaabo Golihiisa Wasiirada, kadib markii arbacadii lasoo dhaafay Codka kalsoonida ah ay siiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka.

Hoos ka Akhriso Warqada uu Kheyre u diray Mudane Rooble.