XFS Oo Ka Jawaabtay Hadal Kasoo Yeeray Midowga Musharaxiinta

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadalkii kasoo yeeray Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ee ahaa in Madaxweyne Farmaajo aysan u aqoonsaneyn Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo muddo xilkeedkiisa dhammaaday.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in Farmaajo uu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, uuna sii shaqeynayo ilaa Madaxweyne cusub laga dooranayo, maadaama uu idlaaday muddo xilkeekiisa dastuuriga ahaa.

Macalimuu ayaa sheegay in Madaxad dowladda ay sameeyeen tanaasul badan oo lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa, isla markaana wada-hadal kula jirta Madaxda dowlad Goboleedyada, si xal loo gaaro.

Waxaa uu Afhayeenka Xukuumadda tilmaamay in maamul Goboleedyada qaarkood ay diidan yihiin in heshiis laga gaaro doorashada, balse Madaxda dowladda ay wadaan dadaalo kala duwan oo lagu xaliyo khilaafyada jira.

Sidoo kale Afhayeen Macalimuu ayaa sheegay in xilligaan aan loo baahneyn in dadka Soomaaliyeed la kiciyo oo loo sheego wax dib u dhac ku keeni kara dalka, wuxuuna sheegay in dadka ay u baahan yihiin nabad oo aysan u baahneyn dhibaato.

Si kastaba hadalka Afhayeenka Xukuumadda ayaa waxaa uu ksoo aadaya, iyadoo Musharaxiinta ay sheegeen in wixii ka dambeeya 8-da Febraayo uu Madaxweyne Farmaajo Madaxtooyada ugu jiro ay tahay Inqilaab uu damacsan yahay, waxaana shalay ku ekaa muddo xileedka Madaxweynaha.