Xiisad UDhaxeysey labo beelood oo Heshiis laga Gaarey

Waxaa heshiis laga gaaray xiisad colaadeed oo maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd deegaannada Lajiile iyo Balihowd oo hoostaga degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud,taas oo u dhaxeysay laba beelood.

Kulan ay wada qaateen Odayaasha & Waxgaradka labada beelood oo ay goobjoog ka ahaayeen Taliyaha Guutada 15aad ee Taliska Qaybta 21aad Gen” Mascuud Maxamed Warsame ayay labada beelood ku gaareen heshiis rasmi ah.

Taliyaha Guutada 15aad ee Taliska Qaybta 21aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Mascuud Maxamed Warsame ayaa ugu baaqay Odayaasha & Waxgaradka labada Beelood ugu baaqay inay heshiiskaan dhaqan geliyaan.

Xiisada u dhaxeysay laba beelood ee ka taagneyd duleedka Guriceel ayaa ka bilaabatay dilal la xiriira aanooyin qabiil oo deegaannadaas ka dhacay.