Xil Wareejin Ka Dhacday Xafiiska Raisal-wasaaraha

Xoghayahaa joogtada ee xafiiska Raisal wasaaraha xukuumada soomaliya ayaa xilka kala wareegey xoghayihii hore ee xukumada FDs, munaasabad ka dhacday xafiiska Raisal wasaaraha ayaa xilalka kula wareegey xog-hayaha joogtada cusub ee xafiiska xukumada soomaliya

Waxaana goob jooga ka ahaa munaasabadda Raisal wasaaraha ku xigeenka dalka mudane Cumar Carte iyo dhamaan shaqaalaha xafiska sidokale xoghayihii hore Maxamed Cali Nuur ayaa goobta ka hadlay isagoo u mahad celiyey dhamaan shaqaalaha xafiiska iyo sida xil kasnimada ah ee u gutaaan shaqadooda.

“Runtii intii aan xilkan hayay waxaa noo qabsoomay howlo badan, waxaana idinka codsanayaa in la sii wado, si wada jir ahna loo wajaho howlaha qaranka” ayuu yiri Mudane Maxamed Cali Nuur.

Xoghayaha joogtada xafiiska Raisal wasaaraha C/salaan Salwe ayaa hadal kooban ka jeediyey munaasabada isagoona dhankiisa uga mahad celiyey dhamaana shaqaalaha xafiiska soo dhaweynta diiran ay u sameeyeen isagoona ballan qaadey in uu la shaqeyn doono shaqaalaha shaqada meeshaas kasii wadi doono  wuxuna sheegey in uu ka faa’ideysan doono khibradda baaxadda weyn uu xafiiska u yimid.

Uga danbeyntii waxaa munaasabada soo xirey Raisal wasaare ku xigeenka Cumar Carte isagoona u mahad celiyey xog-hayihii hore Maxamed Cali Nuur wuxuna ku tilmaamey shaqadi uu qabtey intii uu xilka haayey tusaale wanaagsan u tahay sii socashada howlaha xafiiska.

“Walaalkey Maxamed Cali Nuur waxaan leeyahay runtii waxaa shaqada laguu dhiibay waqti adag oo xasaasi ah, waxaadna qabatay shaqo badan oo maanta ka muuqata xafiiska R.W. Inaguna kumaynaan dhigin meel cidlo ah, waxaan rajeynayaa in khibradiisa laga faaideysan doono. Xog-hayaha cusub waxaan isna leeyahay soo dhawoow xilka aad maanta la wareegtey waa mid culus oo laf-dhabar u ah howlaha qaranka”.

—DHAMMAAD—
Ahmed-nur Mohamed
Media OPM
Mugadishu-Somalia
E-mail: axmednuur59@gmail.com
Twitter: @SomaliPm, @Axmednuur