Xilalka Iyo Waajibaadka Guddiga Hirgalinta Doorashada Ee Heer Federaal

1- Guddiga GHDHF waxa uu mas’uul ka yahay guud ahaan kormeerka hannaanka doorashada iyo xaqiijinta in ay si isku mid ah u dhacdo. Guddiga GHDHF waa hay’adda ugu sarreysa ee kormeerka iyo hagidda hannaanka doorashada ee 2020/2021.

2- Guddigu wuxuu qorsheynayaa isla markaana hagayaa habka Doorashada dalku u dhacayso.

3- Guddigu wuxuu dajinayaa miisaaniyadda doorashada wuxuuna u maamulayaa si waafaqsan nidaamka maaliyadeed ee dalka.

4- Guddigu waa in uu ku dhaqmaa habraacyadii la isticmaalay doorashadi 2016, waafajiyaana hannanka doorashada ee 2020/2021. Sidaa daraaded, habraacyada aan ku caddeyn doorashada 2020/21, waxaa loola noqonayaa habraacyadii doorashadii 2016ka.

5- Guddigu waxa uu hubinayaa xarumaha loo asteeyey doorashada isagoo kaashanaya Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha xubnaha ka ah DF.

6- Guddigu waxay hubinayaan habraaca ay ku yimaadeen xubnaha ergooyinka doorashada, musharixiinta, iyo ku dhawaaqidda natiijada.

7- Guddigu waxay shaqaaleysiinayaan howlwadeenada lagama maarmaanka u ah fulinta howlaha Guddiga.

8- Guddigu waxa uu daba-galayaa fulinta hannaankii lagu heshiiyey ee qabsoomidda doorashada.

9- Guddigu waxa uu daabacayaa, qaybinayaa waraaqaha codbixinta iyo agabka kale ee muhiimka u ah qabsoomidda doorashada.

10.Guddigu wuxuu kormeerayaa, tababarayaa, kaalmaynayaa, hubinayaana in Guddiyadu ay raaceen habraacyadii iyo hannanka doorashada ee la isku raacay.
11- Guddigu wuxuu sameynayaa anshaxa hab-dhaqanka hannaanka doorashada (Code of Conduct).

12- Guddigu waxa uu dhiiri-gelinayaa haweenka in ay u tartamaan, kana qeyb-galaan olalaha doorashada ee labada aqal ee Baarlamaanka Federalka.

13- Guddigu waxa uu ogolaansho siinayaa xubnaha korjoogtada doorashada ee heer caalami iyo kuwa dalkaba.

14- Guddigu waxa uu ku dhawaaqayaa natiijada doorashada Golaha Shacabka.

15- Guddigu waxa uu kala wareegayaa Guddiyada heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka dhammaan natiijooyinka doorashada ee Labada Aqal oo saxiixan si uu u siiyo shahaadooyinka xubinimada baarlamaanka Federalka.

16- Guddigu waxa uu si joogto ah ula wadaagayaa Golaha Wadatashiga Qaranka hadba meesha shaqadu marayso iyo caqabadaha jira.

Guddigu waxa uu maamulayaa Jadwalka Doorashada.
18- Guddigu waxaa uu qaban-qaabinayaa dhaarta Xubnaha Baarlamaanka ee la soo doortay ee Labada Aqal.

Lifaaqyada,,