Xilddhibaan Shaacir”Ahlusunna Wey kasoo horjeedo talaabooyinka Guddiga Dowladda

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Ururka Ahlusunna ay kasoo horjeesteen Habraaca doorashada maamulka Galmudug ee dhawaan ay ku dhawaaqeen Guddiga dowladdu Magacowday.

Xilddhibaan Shaacir Sheegow Maxamed oo ka mid ah Ahlusunna,islamarkaana ka mid ahaa barlamaankii Galmudug ee Waqtigiiso dhammaaday ayaa Warbaahinta u sheegay in dhammaan Ahlusunna ay kasoo horjeedo tilaabooyinka Guddiga dowladda.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay in shaqadiisa uu qabsan doono guddiga doorashooyinka Galmudug ee uu Magacaabay madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Hadalka Xildhibaanka ayaa yimid xilli lagu waddo in Ahlusunna ay go’aamo ka dhan ah Habraaca doorashooyinka maamulka Galmudug ee dowladda Sameysay ay kaga dhawaaqaan Magaalada Dhuusamareeb Saacaddaha soo socda.