Xildhibaan Abuukaate oo ka hadlay Amarkii lagu soo rogay Wasiiradda

Xildhibaan Maxamuud Cilmi Abuukaate oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay warbahinta ayaa sheegay in xildhibaanada Golaha Shacabka ay soo dhaweynayaan Amarkii Wasiiradda dowladda looga joojiyay in ay la hadleen Warbaahinta , iyagoo aan Fasax ka heysan Xafiiska Ra,iisul Wasaaraha .

Waxaa uu sheegay Xildhibaanka in ay tahay tilaabo wanaagsan oo horay loo qaaday.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in laga wanaagsanaa in warqad laga soo saaro Amarkaasi laakiin ay habooneyd in kulanka golaha Wasiiradda loogu sheego Arintaasi.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Somaliya, ayaa markii ugu horeysay awaamiir kusoo rogay Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya, ka dib weerarkii Shacabka lagu laayay ee ka dhacay degaanka Bariire.

Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inaanan Golaha Wasiirada warar ku saabsan siyaasadda u adeegsan karin barraha bulshada iyo warbaahinta, intaba, iyagoo aan ogolaansho ka haysan Xafiiska Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.