Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax gaari loo adeegsaday ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Agagaarka Tiyaatarka Qaranka.

Qaraxa ayaa la aaminsan yahay in uu ahaa mid lagu xiray gaari lagu sheegay inuu yahay Hilux oo maraayay Koontaroolka Ciidanka koofi gaduuda ku leeyihiin Tiyaatarta Qaranka.

Hal qof oo la sheegay in uu waday gaariga Qarxay ayaa goobta ku dhintay, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay qof kale sidda ay sheegeen goobjoogayaal.

Warar ay heshay Radio baidoa ayaa waxa ay sheegaya in gaariga qarxay uu lahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo lagu Magacaabo Maxamed Mursal Maxamuud Booroow,islamarkaana uu dhaawac soo gaaray ,halka uu dhintay darawalkii gaariga waday.

Wixii ku soo kordha kala soco Radio baidoa.net