Xildhibaan Mohamed Nuuraani Bakar oo ku guuleeystay doorasho ka dhacday Baydhabo (Daawo sawirada)

Magaalada baydhabo ee xaruunta ku KMG maamulka koon fur galbeed soomaaliya waxaa weli ka soconaya doorashada xubanaha aqalka hoose Xildhibaan Maxamed nuuraani Bakar waxaa u ku soo baxay cod aqlabiyad ah codadkaas oo gaaraya 43cod.

Xildhibaan Maxamed nuuraani Bakar  oo ah rug cadaa siyaasadeed ayaa ka dib guushii uu garay waxa uu sheegay in uu si weyn ugu faraxsanyahay in uu ka mid noqdo xildhibaanada golaha shacabka .

Isagoona shaaca ka qaaday in uu wax badan ka qaban doono xaladaha ka jira deeganada koonfur galbeed oo ay ugu horeyso waxbarasho la,aanta caafimaadka iyo in uu ku dadaali doono in uu usoo dhiciyo deegaanada koonfur galbeed xaquuqda ay ku leeyihiin qaranka.

Xildhibaan Maxamed nuuraani Bakar ayaa gaba,gabadii u mahad celiyey ergadii dooratay isagoona u balan qaaday in waajibka ay sareen uu ugu dandoono si waafaqsan sharciga islaamka iyo dastuurka dalka.

dsc_3314

dsc_3396

dsc_3399