Xildhibaanada baarlamaanka oo dood kulul ka yeeshay dilkii loo geystay Axmed Dawlo

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta dood kulul waxa ay ka yeesheen marxuum Axmed Dawlo oo 20-kii bishan lagu gubay magaalada Muqdisho sababo la xariir heyb sooc ku saleysan guur.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in caddaaladda la horkeeno cidii ka dambeysay falkaasi oo ay si weyn uga naxeen bulshadda Soomaaliyeed.

Xildhibaan Maxamed Nuur Iftin oo ka mid ah ayaa yiri  “Maxaa naloo dilaa, maxaa naloo dhacaa, maxaa naloo kufsanaa haddii aan nahay Jareer, dadka ayaan la mid nahay, oo diinta ayaa na walaaleysay! Haddii Guurka Jareer la isku dilaa, waxaan leeyahay idinku is guursada gabdho qurxoon waa inaga buuxaane.”

Xildhibaan C/naasir Siciid Muuse ayaa soo jeediyay in Boqol dollar xildhibaanadu iska jaraan si loogu caawiyo qoyska uu ka dhintay ninkii la gubay.

Dood dheer kadib gudoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in arrintan loo saaray guddiyada Cadaaladda. Amniga, Adeegga Bulshada iyo guddiga Xuquuqul Insaanka, wixii ka soo baxa baaritaankoodana ay ku soo celin doonaan baarlamaanka.

Dhanka kale xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka federaalka ayaa ka dooday wax ka bedel lagu sameynayo xeer hoosaadka golaha shacabka oo maanta maray aqrintiisa labaad.