Xildhibaanada Galmudug oo ku kula shiray Cadaado iyo Dhuusamareeb

Xilli maalmihii lasoo dhaafay uu xoogeystay Khilaafka Madaxda Sare ee maamulka ayaa xildhibaanadii gaaray magaalada Cadaado shalay maanta waxa ay sheegeen in ay xilka ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Xildhibaanada oo aan la heyn tiradooda ayaa waxaa shir gudoominaayay kulankooda  Gudoomiyihii horay xilka looga qaaday Cali Gacal Casir.

Dhan kale Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa soo gudbiyay Mooshin ka dhan ah Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabay.

97 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa Mooshin kalsooni kala noqosho ah ka keenay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ay ku eedeeyeen in uu burburinaayo maamulka Galmudug.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa qabtay Mooshinka xilka looga qaadayo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Xildhibaanada Galmudug ayaa horay u sheegay in ay xilka ka qaadeen Gudoomiyihii Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir.