Xildhibaanada Golaha shacabka oo u yeerey waziirka warfaafinta dfs waziir maareeeye

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa ay u yeereen wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, iyaga oo dalbaday in uu horyimaado 15 Bishaan.

Qoraal uu ku saxiixan yahay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdi kariin Xaaji Cabdi Buux ayaa lagu sheegay in Wasiir Maareeye loogu yeeray dalab ka yimid 11 Xildhibaan,si wax looga weeydiiyo arrimo la xiriira sharciyada Warbaahinta Qaranka.

Xildhibaannada gudbiyey mooshinka u yeeritaanka Wasiirka ayaa waxaa ay sheegeen in Warbaahinta Qaranka aan si siman looga baahin khudbadaha Xildhibaannada xilliyada ay socdaan doodaha Baarlamaanka,balse kaliya laga daayo Xildhibaannada taagersan Xukuumadda.

Axadii la soodhaafay ee Todobaadkaan ayaa waxaa Golaha Shacabka hortegay Wasiirada Amniga iyo Gaadiidka dowlada federalka,kuwaas oo wax laga weeydiiyey Arrimo quseeyo Shaqadooda.