Xildhibaano Qaran oo $40.000 Dollar ku Deeqey Fatahaada Berdaale

Xildhibaanada Qaranka ayaa $40,000 ( Afartan Kun Oo Dollar ) Oo ay ugu talagaleen Gargaarka Gurmadka degmada Berdaale waxaa ay gaarsiiyeen dadkii ay saameeyeen fatahaada Daadadka Degmada Berdaale Xildhibaanada Qaran ayaa Maalmahan Joogey Degmada Berdaale.

Gudoomiyaha Gobolka baay,Guddiga Gurmadaka Berdaale,iyo Maamulka ayey ku wareejiyeen Lacagtaasi si loo gaarsiiyo dadkii Loogu talagaley.

Xildhibaanada oo kahadley deeqda ay wareejiyeen ayaa u mahad celiyey dhamaan xildhibaanadii kale ee kaqeybqaatey gurmadka.

waxaana Gudiga lagu wareejiyey Lacagtaasi Deeqda ah ay kula dardaarmeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u gaarsiiyaan dadkii loogu talagley,