Xildhibaano sheegay in xarunta Golaha ay la wareegeen Ciidamo taageersan Jawaari

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la hadlay wariyeyaasha ku sugan banaanka hore ee xarunta Golaha Shacabka ayaa waxa ay sheegeen xarunta Golaha in ay la wareegeen Ciidamo daacad u ah Guddoomiye Jawaari.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiye kuxigeenka Labaad ee Golaha Mahad Cabdalla Cawad ayaa tagay xarunta Golaha, waxayna ka soo galeen dhanka Villa Hargeysa.

Xildhibaanadan oo ka soo baxay gudaha xarunta ayaa waxa ay sheegeen in xarunta gudaheeda iyo banaankeedaba ay la wareegeen ciidamada taageersan Jaawaari, ayna xildhibaanada ka soo baxeen xarunta.

Waxa ay sheegeen xildhibaanada in maanta aysan fileyn in xarunta Golaha Shacabka uu ka qabsoomo kulanka, codka kalsoonidadan loo qaado Guddoomiye Jawaari.

Xaaladda oo aanan salfadhin ayaa waxaa lagu soo waramayaa in goor dhaweyd halkaasi ay gaareen Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga dalka, Taliyaha ciidamada Asluubta iyo xubno kale.

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka taagan xarunta Golaha Shacabka, waxaana meel kasta lala garwaaxsan yahay hubka noocyadiisa kala duwan oo ciidamada ay wataan.