Xilka qaadis uu sameeyay Madaxweynaha DDSI

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustaf Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa maanta xilalkii ka qaaday Taliyeyaasha ciidamada Booliska, Millatariga iyo Sirdoonka ismaamulka DDSI oo horey loogu eedeeyey dambiyo dagaal.

Madaxweyne Mustaf Cumar ayaa sidoo kale xilka qaadis ku sameeyay Wasiirka Madaxtooyada, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

Masuuliyiinta cusub ee xilalka loo magacaabay ayaa kala ah:-

1.Maxamed Yare Taliyaha ciidamada Booliska Ismaamulka Soomaalida.

2.Maxamed Cabdi Qawsaar Taliyaha Ciidamada Liyuu Booliska.

3.Mukhtaar Sheekh Macalin Taliyaha ciidamada Sirdoonka.

4.C.kariin Sheekh Muuse Taliyaha Asluubta.

5.Khadar Jigre Wasiirka Madaxtooyada Soomaali State.

Saraakiisha xilka laga qaaday ayaa dhamaantood ku eedaysanaa dambiyo dagaal, gaar ahaana Gen. Cabdiraxmaan Labo Gole oo ahaa Taliyaha ugu awooda badan ciidamada Liyuu Booliska.

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustaf Muxumed Cumar (Cagjar) oo maalin kahor ay ansixiyeen Baarlamaanka DDSI ayaa arrintan waxa ay kaga dhigan tahay inuu sameeyay xilka qaadistii iyo magacaabistii ugu horeysay ee uu sameeyo.