Xisbiga Waddani oo hakiyey dibad-baxii ay ku baaqeen

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta hakiyey isu soo baxii ay shalay ugu baaqeen taageerayashooda ka dib markii ay xalay xubno ergo ah oo iskood isu xilqaamay u kala dabqaadeen Xisbiga iyo Xukuumadda Somaliland.

Xubnahan ayaa isku dayaya in xal laga gaaro xiisaddii maalmahan ka taagneyd Somaliland eek a dhalatay dibad-baxa ay qorsheynayaan Waddi iyo diidmada xukuumadda.

Xoghayaha abaabulka iyo wacyi gelinta Xisbiga Waddani Cabdilaahi Geel Jire ayaa sheegay in wadahadallo dhacay lagu baajiyey banaanbaxyo ay taageerayaasha Xisbiga ka dhigi lahaayeen deegaanada Soomaaliland.