Xisbiga Zanu-PF oo difaaci doona doorashada Mnangagwa

Xisbiga Zanu-PF ee haya talada dalka Zimbabwe ayaa la filayaa in ay maanta maxkamad geeyaan jawaabta dacwadda uu soo gudbiyay xisbiga mucaaradka ah ee MDC, taas oo ka dhan ah doorashada madaxweynenimada ee Emmerson Mnangagwa.

Hogaamiyaha mucaaradka Nelson Chamisa ayaa sheegay in uu soo bandhigi karo caddayn muujinaysa in laga khiyaanay doorashadii madaxweynenimada ee dhacday 30 bishii Luulyo.

Xisbigiisa ayaa sheegay in ay dhacday “wax isdabomarin wayn” laakiin gudiga doorashada ayaa ku adkaysanaya in aysan dhicin “daacadnimo darro”.

Mnangagwa ayaa ku guulaystay 50.8% codadkii la dhiibtay halka Chamisa uu ka helay 44.3%.

Garsooreyaasha maxkamadda sare ayaa haysta 14 maalmood si ay go’aan uga gaaraan maxkamadda.