Xubin Sare Alshaabaab ah Oo isa soo dhiibey-SAWIRO

Mahad Cali Maxamed oo ahaa Dhaqar qabe Ka tirsanaa Kooxda Nabadiidka Alshabab ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Nabad sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

wuxuuna la yimid hubkii uu ku dagaalami jirey Qori AK47 iyo Booshkiisa Wuxuu Alshabab kaga Biirey Degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe,isagoona sheegey in dagaalo dhowr ah oo ay ka dhaceen Gobolada Baay ,Bakool, Shabeellaha Hoose, Mudug ,Hiiran ,Galgaduud,iyo Gobolka Banadir uu ka qeyb qaatey ,

Mahad Cali Maxamed jirkiisa qeybo ka mid ah ka muuqda Dhawacyo uu ka soo gaarey Degaaladii uu ka qeyb galey,

Wuxuuna Saaxibadiisa kale ee ku jira Kooxda Nabadiidka Alshabab ugu Baaqey in ay isku soo dhiibaan Ciidamada Dowladda isagoona sheegey in Si wanaagsan loola dhaqmey .

Ciidanka Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Mudooyinkii dambe xoojiyey Howlgalada lagu xaqiijineyo Sugida Amaanka.

KGS Tv