Xubnaha Ku Sugan Garoowe Oo Yeeshay Kulamo Gaar Gaar Ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa magaaladda Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland uga qeyb galay kulan qado sharaf oo halkaasi loogu sameeyay madaxda ka qeyb galeysa madasha aragti wadaaga ee uu soo qaban qaabiyay Machadka Daraasaadka siyaasadda ee Heritage.

Kulanka waxaa kaloo qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (khaddar) iyo Madaxweynayaashii hore ee Dalka, Madaxda Maamul Goboleedyada qaarkood iyo marti sharaf kale.

Kulanka qadada ayaa madaxdu waxa ay ka wareysteen xaaladda dalka.