Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab Oo dilay kadib Duqeyn Laga Fuliyay Gobolka Baay

Taliska Ciidanka Mareykanka ayaa la sheegay in ay duqeyn ku dileen xubno ka tirsan dagaaalmayasha Al-shabaab, waxaana la sheegay in howlgalkaasi uu ahaa mid qorsheysan.

Sida la sheegay Howlgalka oo ahaa mid military waxaa si wadajir ah u fuliyay Taliska Ciidanka Mareekanka ee Afrika iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in howlgalkaas lagu burburiyay Xarun dagaalamayaasha Alshabaab ku lahaayeen deegaanka Buulafuulaay degmadda Diinsoor ee Gobolka Baay.

Waxaa ay intaa ku dareem in Howlgalka lagu dilay mid ka ah dagaalamayaasha Al-shabaab, kaasi oo ku jiray xarunta la beegsaday, waxaana sidaasi lagu sheegay qoraal ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraalka sidoo kale waxaa lagu sheegay in uusan jirin khassaaro soo gaaray shacabka inta lagu jiray Howlgalka.

Hoos ka aqriso Qoraalka