Xuska-Maalinta-Warbaahinta-Soomaalliyeed-21-Janaayo-2015

Maanta oo ku beegan 42-guuradii ka soo wareegtay maalinta Warbaahinta Soomaaliyeed oo ah 21 Janaayo, 1973 oo ah maalintii ugu horeysay Wargeys Af-Soomaali ku qoran laga soo saaro dalka Soomaaliya, ayaa looga dabaal degayaa dalka Soomaaliya gudihiisa iyo dibadiisa.

taasoo muujineysa sida maalintantani ay ugu weyntahay warfidiyeenka iyo warbaahinta Soomaaliyeed. Waxa uu Ururka NUSOJ ugu baaqay dowladda Federalka inay xabsiyadaka sii deyso dhamaan suxufiyiinta ku xabsiyada dalka.

Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) waxa uu hambalyo ku aadan maalintani u diray dhamaan suxufiyiinta iyo warbaahinta Soomaaliyeed gebi ahaantood, isagoo ururku ku amaanay kaalintii mugga lahayd ee warbaahinta Soomaaliyeed ay ka qaadatay u hiilinta Afka Hooyo.

Xoghayaha Guud ee Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ), Md. Maxamed Ibrahim (bakis) isagoo ku hadlaya dhamaan magaca suxufiyiinta Soomaaliyeed hambalyo ku aaddan maalinta warbaahinta Soomaaliyeed u diray dhamaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan warfidiyeenka iyo warbaahinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan isagoo u rajeeyay in sanadkan kiisa xiga ay ku gaaraan horumar.

Waxa uu sidoo kale Xoghayaha Guud ee NUSOJ, uu ku booriyay warbaahinta Soomaaliyeed inay laba jibbaaraan barnaamijyada looga hadlayo Af-ka Soomaaliga iyo tayeyntiisa.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, isagoo ka faa’iideysanaya maalinta warbaahinta Soomaaliyeed waxa uu ugu dowladda dowladda Federalka inay sii deyso dhamaan suxufiyiinta ku jira xabsiyada oo ay xorriyadooda dib ugu soo celiso.

Sidoo kale, Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxa ay ugu baaqay warbaahinta inay kordhiyaan barnaamijyada la xiriira horumarinta bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo amniga, isla markaana ay saddex jeer hubiyaan tifaftirka wararka ka baxaya warbaahina si loo xaqiijiyo masuuliyadda culus ee saaran warfidiyeenka iyo warbaahina Soomaaliyeed. – See more at: http://risaala.net/articles/24323/Xuska-Maalinta-Warbaahinta-Soomaalliyeed-21-Janaayo-2015#sthash.9poSB9Aw.dpuf