Xuska munaasabada 12ka April oo maanta ka dhacday magaalada Baydhabo

talisApril 12 (Radio Baidoa)— Munaasabado lagu xusayo maalinta ciidanka xoogga dalka ee 12-ka April ayaa maanta laga xusay magaalada Baydhabo, iyadoo tan iyo shalay magaalada laga dareemayay diyaar garowga loogu jiro xuska.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo saaka ay xiran yihiin wadooyin badan oo la dhigay ciidamo aad u fara badan.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa  dhoolatus iyo gaada ka ciyaar ku soo bandhigay xuska aas aaska ciidamada xoogga dalka ee ka soo wareegatay 56-guuradii.

Munaasabada ayaa ka dhicday halka taliska qeybta 60 ee magaalada baydhabowaxana ka soo qeyb galay mas,uuliyiinta maamulka gobolka iyo degmada iyo sarakiisaha ciidamada xooga dalka  iyo, sidoo kale Saraakiil ka tirsan AMISOM